WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo ka hadashay walaaca habraaca Doorashada

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ee 21 iyo 22 Agoosto ku qabsoomay Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka codsatay inay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka.

Waxay sidoo kale soosoo dhoweeyeen dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxayna ku baaqeen in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose.

Beesha Caalamka ayaa tilmaamtay inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhiim u tahay xasilloonida Soomaaliya, isla markaana dalbaday in la qaado tallaabooyin xal ah

SOMALI NEWS

To Top