WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo u Hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Zambia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay ee dalka Saambiya Hichilema.

Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu
Madaxweyne Hichilema ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu kusoo baxay iyo caleemo-saarkiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa Saambiya ka rajeeyay inuu sii xoojin doono xiriirka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Saambiya ee ku saleysan iskaashiga.

“Hambalyo Mudane Madaxweyne Hichilema iyo dadka waaweyn ee Zambia kadib guushii caleema saarkaaga iyo guushii doorashada taariikhiga ah. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo shacabka Soomaaliya, waxaan rajeyneynaa inaan sii xoojinno saaxiibtinimadeenna waxaana naloo xaqiijin doonaa taageerada & iskaashiga” ayuu yiri Farmaajo oo boggaadiyey shacabka Zambia.

Si kastaba Madaxweynaha cusub ee Saambiya Hakainde Hichilema ayaa ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas, isagoo tartanka Doorashada kaga guulaystay xusbi xaakimkii hore talada u hayey.

SOMALI NEWS

To Top