WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo dalab u diray Madaxda Hay’ad Caalami ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula la qaatay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse.

Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada dadka qoxootiga ah ee dib ugu soo laabanaya deeganada Jubbaland iyo sidii loo garab istaagi lahaa isla markana loogu diyaarin lahaa waxyaabaha aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse ayaa Madaxweynaha u sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen dadka qoxootiga ah ee dib ugu soo laabanaya Jubbaland, loona caawin lahaa.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Hay’ada UNHCR uga mahadceliyay garab istaaga ay mar kasta la joogaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Maamulkiisa.

SOMALI NEWS

To Top