WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-Shabaab oo soo Bandhigtay Gaadiid ay ku qabsatay Weerar

Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen weerarkii maalin kahor ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qabsadeen 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid nooca xamuulka iyo kuwo casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo saanado ciidan oo taalay Saldhiga Ciidamada.

Sidoo kale Shabaabka ayaa tilmaamay in dagaalkii ka dhacay Magaalada Camaara ee Mudug ku dileen 35 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada, kadib weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin oo ay ku qaadeen halkaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii hore ee shalay sheegay inay iska difaaceen weerarkii ugu yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 60 xubnood.

SOMALI NEWS

To Top