WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo si rasmi ah u daah-furtay Xog kaydiyaha Ganacsiga

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya oo ah Website casri oo lagu soo uruuriyey xogaha la xidhiidha Ganacsiga sida shuruucda, xeer-nidaamiyeyaasha iyo guud ahaan xogaha kale.

Munaasibadda Daah-furka Barnaamijkan oo ka qabsoontay Muqdisho, ayaa waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda iyo mas’uuliyiin ka socday Baanka Aduunka.

Wasiirada oo ugu horreyn Madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkani u lee yahay daah-furnaanta Ganacsiga isla-mar-ahaantaana ay Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha caalamiga ahi ba ay si fudud ganacsiyo iyo maal-gashiyo ba uga samayn karaan dalka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Agaasimeyaasha iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah oo iyagu na dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa waxay sheegeen maadaama oo barnaamijkan la sameeyey uu yarayn doono wakhtigii ganacsatada kaga lumi jiray.

SOMALI NEWS

To Top