WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Galmudug oo hanjabaad culus diray xili uu ku sugan yahay Gaalkacayo-Akhriso

Gaalkacyo ( HM ) Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin ururada argagixisada ah.

Sidoo kale wuxuu wacad ku maray in ciidamada ay howlgallo wadajir ka bilaabi doonaan gobolka, wuxuuna wacad ku maray dhammaan  gobolkaasi laga saarayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa suu wata ayaa intaasi ku daray in kooxdaasi oo sii hurineyso dagaal beeleedyada ay dhibaato xoogan ka wado gobolka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul oo loo hirgelin doono si ficil ah.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug waxaa haysta Alshabaab, waxayna sidoo kale weeraro iyo dilal qorsheysan ay ka fulisaa deegaano hoosta Galmudug iyo Puntland.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top