WARARKA SOOMAALI

Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka socda Galgaduud oo kordhay & Galmudug war kasoo saartay Dagaalka-Akhriso

Gaalkacyo ( HM ) Waxaa sii kordhay Khasaaraha ka dhashay dagaal Beeleed 24-saac ka socday deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud, Waxaana Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo dagaalkaasi.

Hay’adaha kala duwan ee Maamulka iyo Ciidamada Dowladda ee ka dhaw Deegaannada ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaadka dagaalamay waxa uu amray in ay kala dhexgalaan si xabad-joojin la isku haleyn karo uga hirgasho halkaa.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaa ka socda dadaal lagu doonayo in lagu kala dhexgalo labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaannada Xananbuure iyo Mareergur ee Gobolka Galgaduud.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka saacadihii uu socday oo aan tiro rasmi ah laga heyn waxa ay kor u dhaafayaan 10-ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca dad intaa ka badan oo qaarkood dhaawacyadooda la kala geeyay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dadka ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Wasiirkii hore Shaqada iyo Shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi Xukuumaddii Madaxweyne Xaaf oo dhaawac halis ah soo gaaray u dhintay, waxaana la dhaawacmay dad kale oo ku howlanaa waan waanta labada dhinac.

Daahir Shidane waxa uu sidoo kale ahaa Abwaan, Nabadoon, Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo Siyaasi mar isu soo taagay in uu qabto Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmaray Maleeshiyo Beeleed kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Galmudug ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka socday dib u habayn dhinaca maamulka ah iyo midaynta siyaasadda, Balse waxaa weli muuqda inaan xal laga gaadhin colaada dhinaca beelaha, iyadoona ay dadku aad u hubaysan yihiin.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top