WARARKA SOOMAALI

Midowga Afrika oo kala dhex galay Masar iyo Itoobiya xili ay isku hub uruursanayeen labada dal-Akhriso

Muqdisho (HM)-Ururka Midowga Afrika ayaa kala dhex galay xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo xidheenka Wabiga Nile ee ay dhisatay Itoobiya.


Wada hadal khadka muuqaalka ay ku yeesheen Madaxda saddexda dal Itoobiya, Masar, Sudan oo ay wehliyeen Madaxweynaha Koofur Afrika oo xilligan ah Hoggaamiyaha Midowga Afrika iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa la isku raacay in aysan Itoobiya bilaabin buuxinta biyo xidheenka.

Sidoo kale waxaa dhinacyadaas isku afgarteen in muddo labo todobaad gudahood la wada hadlo, oo ay kulan isugu yimaadaan saddexda dal guddi farsamo.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abadalla Hamdouk ayaa sheegay in saddexda dal ay isla garteen in dib loo bilaabo wada hadaladii hakaday todobaadkii hore.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa boggaadiyay kaalinta Midowga Afrika ka qaadanayo xalinta khilaafka kala dhaxeeya Masar, waxaana uu soo dhoweeyay tallaabada Midowga Afrika uu soo jeediyay.

Arrinta Xiisada biyo xidheenka Wabiga Nile ayaa todobaadyadii u dambeeyay sii xoogeysatay, waxaana labada dal Itoobiya iyo Masar ay bilaabeen diyaar garow dhinaca milateriga oo laga cabsi qabay in labada dal dagaal ka dhex qarxo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in todobaadkan uu shir gaar ah ka yeesho dalabka Masar iyo Sudan oo ah in Golaha Ammaanka soo farageliyo is mari-waaga ka taagan biyo xidheenka Wabiga Nile ee ay dhisatay Itoobiya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top