WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Galmudug oo abaabul xooggan oo uu beeshiisa kula rabo xilka Ra’iisul wasaaraha ka wada Muqdisho-Akhriso

Muqdisho (HM ) Magaalada Muqdisho  waxaa siwayn looga dareemayaa Kulamada  iyo Loolanka loogu Jiro Hanashada  Xilka Raysal wasaarhaa Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii uu Baarlamaanku meesha ka saaray Xasan Cali Khayre.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ku sugan Muqdishoayaa dadaal xooggan ugu jira sidii madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisul wasaare ugu magacaabi lahaa qof kasoo jeeda beeshiisa.

Waxaa lagu soo waramayaa in Qoorqoor uu xalay xarunta Nabad-Sugidda kula kulmay taliyaha NISA Fahad Yaasiin, isaga oo kala hadlay arrintan, Waxaana  kulanka ku wehliyey Kamaal Guutaale, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo xubno kale oo kasoo jeeda Galmudug.

Kulankan ayaa daba socda kulamo kale oo Qoor Qoor uu la yeelanayey xubnaha ugu miisaanka badan dowladda, si uu u xaqiijiyo in  Qof kasoo jeeda Galmudug loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale shalay la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana codsaday xilkan, waxaana la filayaa in sidoo kale uu kulamo kale la yeesho saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Dadaallada xoogga leh ee uu wado Axmed Qoor Qoor ayaa soo billowday intii uu socday shirkii Dhuusamareeb, waxaana jira warar sheegaya in laga yaabo inuu wax ka ogaa xil ka qaadistii Ra’iisul wasaare Kheyre.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuusan weli go’aan ka gaadhin Qofka uu Raysal wasaare u magacaabi doono, Waxaana sido kale adag in Xog la helo Qorshaha ugu dambeeya ee Madaxwayne Farmaajo, Waxaana la Xasuustaa in Xasan Cali khayre oo aysan dad badan Aqoon uu Twitterka kusoo magacaabay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top