WARARKA SOOMAALI

Deni oo Ciidamadda maamulkiisa ku amray inay toogtaan dad uu ku tilmaamay cadowga Puntland.

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mararka qaar deegaanada Puntland ka dhacaan khalaalse iyo isku dhacyo ay soo abaabulaan dad uu ku tilmaamay cadawga Puntland.

Deni ayaana faray ciidamada amaanka maamulkaasi in aragti ku toogtaan cadawga Puntland dad uu ku tilmaamay , waxa uuna ku amray ciidamada in dadkaasi aysan maxkamad la sugin oo horey ka toogtaan isla marka ay qabtaanba.

”Waxaan farayaa ciidamada Puntland meel kasto ay joogaan waxii bulshadan cadaw ku ah meeshaad ku aragtaan ku toogta, Maxkamad hala sugina maxaa yeelay cadawga hada jira waa wajiyo badan yihiin, cid kasta oo fal dambiyeed ku jirta oo hubeesan oo wax fulineysa goobtaas halagu toogto” ayuu yidhi Deni.

Madaxweyne Deni ayaana cadeeyn cida ay yihiin cadawga Puntland, waxa uuna sheegay in cadawgu ay yihiin dhoor nuuc oo wajiyo badan kuwaa uu sheegay in ay kasoo horjeedaan xasiloonida iyo horumarka Puntland.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top