WARARKA SOOMAALI

Kenya oo markale ku xad gudubtay qaranimadda Soomaaliya iyadoo Soomaliland ugu yeedhay dal.

Hargeysa (HM) – Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa iney xafiisyo diblomaasiyadeed ka furato Somaliland si ay ugu adeegto muwaadiniinteeda ka jooga dhulkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskooda magaalada Hargeysa.

Inkastoo aan la ogeyn wakhtiga rasmiga ah oo ay furayaan xafiisyada ay ugu adeegayaan muwaadiniintooda, haddana qoraalka kasoo baxay xafiiska wuxuu si cad ugu xad-gudbayaa qaranimada Soomaaliya maadaama uu waddan ku tilmaamay maaamulka Somaliland.

“Kenya waxey ku faraxsan tahay in Somaliland ay ku nool yahiin muwaadiniin badan oo Kenyaan ah kana shaqeystaan, waxaana ka shaqeyneynsaa inaan xafiis diblomaasi ka furno halkaas,” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah.

“Tani waxey sii balaadhinaysaa xafiisyada labada waddan, waxeyna muwaadiniinta Kenya siineysaa in ay helaan adeegyada dowladooda” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Hadalka kasoo baxay xafiiska wuxuu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Soomaaliya iyadoo aan wali Somaliland la siinin aqoonsi caalami ah.

Wafdi ka socda Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay gaadhayey Hargeysa iyadoo la filayo iney kuwa kalana halkaas gaadhaan lana kulmaan madaxda sare ee maamulkaasi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top