WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda Puntland oo rasaas u adeegsaday shacab dibad-bax ka dhigayey Garoowe-Akhriso

Garoowe (HM) – Ugu yaraan illaa afar qof ayaa ku dhaawacantay, kadib markii maanta ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo dibad-bax ka dhigayey gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay bartamaha magaalada ayaa ka cabanayey lacago Canshuuro ah oo ay sheegeen inay ku soo dalacday wasaaradda ganacsiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyo ciidamada ay isku dhaceen, taas oo keentay in loo adeegsado rasaas nool.

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee Garoowe, iyadoona markii dambe la kala dareeriyey dibad-baxayaasha.

Ad by Valueimpression

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse weli ciidamada ammaanka ayaa ku sugan waddooyinka qaar magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Horufadhi News, wixii kasoo kordha.

SOMALI NEWS

To Top