WARARKA SOOMAALI

Gaas oo sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii Xasan Cali Khayre ee Baarlamaanka-Akhriso


Laascaanood (HM)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland horayna u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in wixii ka dhacay Baarlamaanka Sabtidii la soo dhaafay uu ahaa wax aan sharciga waafaqsaneyn.


C/weli Gaas ayaa sheegay in la baal maray xeer hoosaadkii iyo nidaamkii la rabay in loo maro haddii Ra’iisul Wasaare mooshin laga keenayo ama la dhaliilayo oo aheyd in isaga fursad la siiyo oo uu hadlo, isna dhifaaco, balse taas aysan dhicin.

“Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowladnimada ku haboon aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan”ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Baarlamaanka iyo Guddoonka ay rabaan muddo kororsi, isagoo xusay mar walba oo marxalad kala guur ah la galo uu sidaan u dhaqmo Baarlamaanka..

Bixitaanka Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa durba ka dhashay cadaadis xooggan oo dowladda Soomaaliya kala kulmeysa Beesha Caalamka, iyadoo Mareykanka ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo Kooxo qaswadayaal ah oo uusan toos u magac dhabin balse loo fasirtay Baarlamaanka Soomaaliya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top