WARARKA SOOMAALI

Madaxwaynihii hore ee Khaatumo oo GEENYO Gudoonsiiyey Garaadka Guud ee Dhulbahante-Video

Buuhoodle  ( HM ) Madaxwaynihii Hore ee maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel ,   ayaa Geenyo Gudoonsiiyey Garaad Jaamac Garaad Cali,   kadib  Munaasibad ka dhacday magaalada Ceegaag oo lagu soo Afmeeray  Safarkii Nabadda ee Beelaha Mattaanaha Hawd.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante,  Geenyadan waxaad ka gudoontaa  Dhulbahante oo dhan, Anigu waan bixinayaa uun, ee Xadhigeeda iga Qabo”. Ayuu yidhi Indhasheel.

Waxaa intaasi kadib Geenyadda Gudoomay Garaad Jaamac oo sheegay inuu hada Bilaabi doono Farda Fuulka.

“Madaxwayne waan gudoomay Geenyaddii,    Wanaag iyo khayr baan ku gudoomay  Cidkasta oo aad Wakiil uga Ahayd ,     Waxay noqonaysaa inaan hada anigoo da’daas ah  barto Fardo Fuulka,  Wixii ka yimaada halkaas adigaa Qabi doona,  ee   Geenyadda ha  ii Gurya Keeno Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

SOMALI NEWS

To Top