WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Safarkii Nabadda ee Beelaha walaalaha ah oo Ceegaag lagu soo afmeeray-Video

Buuhoodle (HM) Waxaa magaalada Ceegaag ee gobolka Cayn maalintii shalay lagu Qabtay Munaasibad balaadhan oo loogu dabaal degay , Heshiiska laga gaadhay Colaadii kasoo cusboonaatay deegaanka, islamarkaana ay wada gaadheen Beelaha Hagar iyo Hayaag, oo hada loo bixiyey [Mattaanaha Hawd].

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac garaad Cali oo magaalada Saaxdheer horay u dhigay Gogosha Nabadda ee Heshiiska lagu gaadhay, Islamarkaana deegaano tiro badan ay soo wada mareen Ergooyinka Nabadda iyo Madaxda dhaqanku ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xafladii ugu dambaysay ee loogu dabaal degay Heshiiska Nabadda taasi oo lagu qabtay magaalada Ceegaag.

Ugu dambayntii Garaadka ayaa Duco iyo dardaaran dhinacyo badan taabanaya kasoo jeediyey Munaasibadda lagu soo Afmeeray Safarkii Nabadda.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top