WARARKA SOOMAALI

Maamulka Koonfur Galbeed oo toogtay Niman kufsi yaab leh u geystay Wiilal yaryar-Video

Muqdisho ( HM )-Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa maanta dil toogasho ah lagu fuliyey laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan inayn Kufsadeen [Wiil].

Waa arin ku cusub bulshada Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inay Falalka Noocan ah mudooyinkii dambe kusoo badaneeyeen deegaanada Koonfur Galbeed.’

HAKAN KA DAAWO VIDEO

“Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya baadhis dheer kadib waxay xaqiijisey in raggani ay ku kaceen dambiga lagu eedeeyay ee ah in ay kufsadeen wiil, taasi oo fajac iyo amakaag ku noqotey ummadda soomaaliyeed.

Xaqiijin kadib waxaa loogu xukumey dil toogasho, maanta ayaana lagu fuliyey, Alxamdulilaah. “ Ayuu yidhi Masuul u hadlay maamulka K/Galbeed.

Soomaaliya ayaa horay safka uga jirtay meelaha lagu dhibaateeyo Gabdhaha gaar ahaan kuwooda da’da yar, hadana waxaaba kusoo biiray Wiilashii yaryaraa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top