WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Taiwan oo xafiis si rasmi ah uga furatay Hargeysa.

Hargeisa  ( HM) Maamulka Taiwan ayaa maanta si rasmi ah uga furtay magaalada Hargeisa  xafiiskeedii diblomaasiyaddeed ee Somaliland.

Munaasibad lagu furayo xafiiska oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland, Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Jesoph Wu ayaa khadka internetka kaga soo qaybgali doona munaasibadda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dawladda Shiinaha ayaa dhowaan siwayn uga Cadhootay  Xidhiidhka  ay Somaliland la yeelatay Taiwan, waxaana Hargeisa soo gaadhay Wafdi ka socday Dawladda Shiinaha kuwaasi oo kulan la yeeshay Madaxda ugu saraysa Somaliland.

Waxaa la aaminsan yahay inuu Qorshahoodu ahaa sidii loo Xagal daacin lahaa xidhiidhkaasi Cusub, Balse hada waxaa muuqata inaan Somaliland dheg Jalaq u siin  Dhambaalkii ay Wafdiga Shiinuhu wadeen.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top