WARARKA SOOMAALI

Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland oo kulan xasaasi ah ku leh Gaalkacayo-Sawiro

Gaalkacayo (HM)-Madaxda Dowlad goboleedyada Puntland & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan ku leh xarunta Madaxtooyada woqoyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kulankan ayey maalmihii la soo dhaafay qaban-qaabadiisu ka socotay Gaalkacyo oo laga hadal hayay, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan xidhiidhka labada maamul, amniga magaalada Gaalkacyo, wax ka qabashada colaad beeleedyo ku soo laalaabtay degaano ka tirsan gobolka Mudug iyo qodobo kale.

Waxaa kulankan uu ku soo aadaya xili uusan fiiceyn xidhiidhka maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka, halka dhinaca kale maamulka Galmudug uu si weyn ugu dhow yahay dowlada dhexe, waxaana laga dhur sugayaa waxyaabaha ka soo baxa kulankooda.

Horufadhin News, Gaalkacayo.

Sawiro

SOMALI NEWS

To Top