WARARKA SOOMAALI

Qaabkii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi uga hadleen arrinta Midnimada & Shirkii Jabuuti-Video

Muqdisho ( HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kaga qayb galay Madaxtooyada dalka Munaasabadda Xuska Sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka.

Wuxuu jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay xaalada dalka, Halgankii Xornimad aiyo Qiimaha ay Qaranka u leedahay Wadajirka iyo Midnimada Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu Rajjo wanaagsan ka muujiyey shirkii dhowaan ka dhacay dalka Jabuuti, wuxuuna sidoo kale Bogaadin iyo Ammaan u jeediyey Madaxwaynaha Somaliland.

“Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin aragti dheer leh, waa nin waayo arag ah, muddo dheer soo shaqeeyay oo soo jireen ah, wuu arkayaa in aan Somaliland horey u socon karin annakuna aanan u socon karin inta aan kala maqannahay, geesinnimadeedana wuu leeyahay” Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ma sheegin waxaa uu ula jeedo geesinnimada uu sheegay in uu leeyahay madaxweyne Biixi waxaa ay tahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo xalay ka hadlayey Munaasibadda  26-ka Juun oo Hargeisa lagu qabtay ayaa yidhi “Annagu haddii shantii Soomaaliyeed laysu keenayo midnimo wax kama qabno”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ka hadlay  Qodob kamid ahaa Heshiiskii Shirka Jabuuti oo dhigayey Is dhexgalka Bulshada, Wuxuuna yidhi.

“Isdhexgalku waa wixii aan siyaasad ku jirin, awalba ganacsigu wuu socday, waxaa soo kordhay Cayaaraja iyo dhaqanka;labadaasna haddii koox ciyaaryahanno ah ama fannaaniin ah ay tegeyso Xamar, waxay tegeysaa iyada oo sidata magaca Somaliland iyo calanka Somaliland,  haddii kale yaa la gaadayaa”   .

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top