WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Deni oo tababar usoo xidhay Ciidamo imaaradku u tababaray-Sawiro+Video

Boosaaso ( HM) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Safar dhinaca Cirka ah maanta ku tagay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa maanta tababar usoo xidhay cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciidamada tababarka loosoo xidhay oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada waxaa Gacanta ku haya oo maamula Imaaraadka Carabta,  Waxayna sidoo kale siiyeen Gaadiid dagaal oo Casri ah.

Iimaaraadka ayaa gacanta ku haya maamulka dekedda magaalada Booosaso, waxaana sidoo kale ay Joojiyeen ciidamadii ay ku tababari jireen Muqdisho, kadib markii uu DFS khilaaf soo kala dhex galay.

Sawiradda Ciidanka Deni tababarka usoo xidhay.

SOMALI NEWS

To Top