WARARKA SOOMAALI

xogta heshiiska ay wada gaadheen maamulada Puntland & Galmudug.

Gaalkacyo (HM) – Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani ayaa maanta ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga, dib u heshiisinta iyo Siyaasadda.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha  maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo.

Labada Madaxweyne oo Warbaahibta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin heshiis wadashaqeyneyd oo ay wada gaadheen,isla markaana la fulin doono waxyaabaha lagu heshiiyay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top