WARARKA SOOMAALI

Madaxda DF, saddex M/Goboleed iyo Beesha Caalamka oo kulan u socda

Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu kulan uga socdaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda ee xilka sii-haya, Guddoomiyaha G/Banaadir, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed  iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guur ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya ee aan heshiiska  laga gaarin.

Warar la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka looga hadlayo rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwo daacad ah Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Sidoo kale kulanka u socda dhinacyada ayaa waxaa looga hadlay arrinsanayaa shirkii uu ku baaqay Madxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la filyay inuu dhaco 18-ka ilaa iyo 19-ka bishaan, wallow dib u dhac uu ku yimid.

Madaxweyeyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan soo gaarin Magaalada Muqdisho, iyagoona ka baaqday safari ay ku imaan lahaayeen Caasimadda dalka, sababo la xiriira rabshadihii dhacay.

SOMALI NEWS

To Top