WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweyneyaashii hore ee  Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo kamid ah Musharaxiinta.

Kulamada dhexmaray Qoorqoor, Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ku hor gudban qabsoomida doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sigaar ah Musharaxiinta uu la kulmay ugala hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho  iyo is hor istaaga dowladda ku sameeysay banaanbax ay soo abaabuleen Musharaxiinta oo ka dhici lahaa Daljirka daahsoon.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Qoorqoor uu Musharaxiinta ka dalbaday in xal laga gaaro xaaladda Cakiran ee dalka iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan doorashada oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Kulamada ka dhacay Muqdisho ayaa ka dhacay, kadib markii uu Codsaday Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray Caasimadda, si uu uga qeyb galo Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

Xiisad siyaasadeed ayaa haatan u dhexeeysa dowladda Federaalka ee waqtigeeda idlaaday iyo Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kadib is hor istaagii dowladda ku sameeysay banaanbixii Musharaxiinta, sidoo kalena lagu rasaaseeyay Musharaxiin ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/Shakuur, C/kariin Guuleed iyo xubno kale.

SOMALI NEWS

To Top