WARARKA SOOMAALI

Diyaarado hakiyay duulimaadyadoodii Muqdisho oo dib u bilaabay

Waxaa si rasmu ah duulimaadyadooda dib u billaabay shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ee Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay duulimaadkooda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahu Salaad Oomaar oo ku sugan Garoonka ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dib u howlgalka shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Dalalka Turkiga, oo Aasiya iyo Yurub ah iyo Wadamada Sida Uganda iyo Ethiopia.

Sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Magaalada Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta ay u joojiyeen Shirkaddaha diyaaradahaas duulimaadyada Muqdisho markii horey ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Caasimadda dalka.

Jimcadihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uu ku dhacay Madfac, kadib markii la rasaaseeyay banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta kala ah C/raxmaan C/Shakuur, RW hore Kheyre iyo Musharaxiin kale oo banaanbax ka waday meel ku dhow Garoonka.

SOMALI NEWS

To Top