WARARKA SOOMAALI

FAAH FAAHIN:-Qarax lala beegsaday Mas’uul oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Hiliwaa oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ka tisran Gobolka.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hego meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsan deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho, xili uu marayay Xeyla Bariise.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Guddoomiye Waaxeedka oo lagu magacaabo Axmed Cadde uu ka badbaaday qaraxaas lala eegtay, balse waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo la socday, sida la sheegay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka aaya tegay aaga uu qarxu ka dhacay, isla markaana xiray goobta, wallow markii dambe ay fureen halkaas, waxaana intaas hakad ku jiray isku socodka dadka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo kala duwan oo isugu jira kuwo miino iyo Is-miidaamin oo lala eegtay Mas’uuliyiin iyo Xarumo, waxaana inta badan qaraxyadaas dusha u ritay Mas’uuliyadooda Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top