WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Fanaanad weyn oo Goor dhow ku geeriyootay Muqdisho

Waxaa dhowr daqiiqado kahor Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan Isbitaalka Martiini ku geeriyootay Fanaanadii Faadumo Cali Nagruuma oo ka tirsaneyd hobolada Qaranka Waaberi.

Allaha u naxariistee Faadumo Cali Nagruuma ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneysay isbitaalka Martiini, isla markaana waxaa haleelay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay.

Geerida Marxuumada ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladeeda iyo xubno kale, iyadoona la xauusaneysay Cudurka COVID-19 oo ku dhacay, waxaana la filayaa geerida Nagruuma inay ka hadasho dowladda Federaalka.

Cudurka halista h ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay dalka ayaa waxaa dhawaan Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo kamid ahaa Culimada Soomaaliyeed ee waaweyn.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay in shalay Cudurka COVID-19 ee dalka ugu geeriyoodeen 15 qof, waxaana Gobolka Banaadir laga helay in ka badan 250 qof, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

SOMALI NEWS

To Top