WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madax War kulul kasoo saartay Ciyaartoydii lagu laayay Kismaayo

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxii shalay lala beegsaday Bas ay saarnaayeen Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Inta la xaqiijiyay afar dhalinyaro ah ayaa ku geeriyootay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI, kuna sii jeeday xiligii la qarxinayay Garoonka Wamo ee Magaaladaas oo ay ku lahaayeen Ciyaar.

SOMALI NEWS

To Top