WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Xildhibaanadii Maanta la doortay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay doorashada Aqalka Sare ee maanta ka bilaabatay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa hambalyo u diray Senotarada Aqalka Sare ee maanta doorteen Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland, waxa uuna xusay in doorashada maanta dhacday meesha ka saartay hubanti la’aantii doorashada laga qabay.

“Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray., waaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in doorashada maanta bilaabatay ay dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, isagoona qeybaha kale ee dhimana u rajeeyay in guul ku qabsoomaan.

SOMALI NEWS

To Top