WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xildhibaano War kulul kasoo saaray khilaafka doorashada G/Waqooyi

40-Xildhibaan oo Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobalada Waqooyi ayaa War saxaafadeed kasoo Saaray Arrimaha doorashooyinka, iyagoona soo dhaweeyay dadaalada iyo hannaanka uu wax u wado RW Rooble.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa soo dhaweeyay hannaanka dooarshooyinka, waxaana ay nasiib darro ku tilmaamen xildhibaanno kale oo ay sheegen in ay carqalad ku wadaan hannaanka doorashooyinka.

Xildhibaanadan oo ah Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Midowga Musharaxiinta ku eedeeyay inay kala qeybinayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa boggaadiyay siyaasiyiinta, Musharaxiinta iyo cid kasta oo ka dhowrsatay inay faragelin ku sameeyaan Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQALKA

SOMALI NEWS

To Top