WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Doorashada Somalia

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay horumarka laga sameeyay hirgelinta heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa Madaxda maamulada loogu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo 29-ka ka bilaabatay Jubbaland.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku taliyay inay shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada si dhakhso loo sii dardar-geliyo, si aysa dib u dhac ugu imaan mar kale Doorashada dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale WBeesha Caalamka ayaa dalbatay in la caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

Wakiilada Beesha Caalamka ee War-saxaafadeedka soo saaray ayaa kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

SOMALI NEWS

To Top