WARARKA SOOMAALI

Maamulka Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Agaasimihii Tv-ga Universal ee Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay agaasimaha Teleshinka Universal ee Somaliland Maxamed Cabdi Digaale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray Agaasimaga Tv-ga Universal ee Somaliland, balse wararka qaar ayaa sheegaya wareysiyo laga qaaday magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Teleshinka Universal ee Somaliland Maxamed Caabi Digaale ayaa hadda ku xiran CID qeybta argigixisada ama loo yaqaano The detention facility of the Counter Terrorism Unit (CTU), waxaa maalgeliso dowladda Ingiriiska.

Illaa 27 saxafi ayey Somaliland xirtay sanadkii tagay, arrintaas oo qoraallo ka soo baxay hey’adaha u dooda xuquuqda saxaafadda iyo xuriyatul-qowlka ay cambaareeyeen.

SOMALI NEWS

To Top