WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamada Puntland oo xabsiga dhigay Siyaasi laf dhuun gashay ku noqday Siciid Deni-Video

Garoowe (HM)-Ciidamada Maamulka Puntland ee Gobolka Bari ayaa mar kale xabsiga dhigay Siyaasiga caanka ah Muuse Cali Jaamac, kaddib markii isaga iyo odayaal ay dhaliilo u jeediyeen maamulka.

Garyaqaan Muuse Cali Jaamac ayaa duhurnimadii shalay waxaa Ciidamada ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso, kaddibna waxaa lagu xidhay Xabsiga weyn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay labo nabadoon oo kale, kuwaasoo ka mid ahaa nabadoonadii dhaliilay Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulan jimcihii ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Odayaal iyo siyaasiyiin waxaa eedeymo loogu soo jeediyay Maamulka Puntland, taasoo ah in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyadoo horay Shirkadda DP ay u heysatay qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, waxaana ay ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay ka laabato heshiiskaas oo ay ka baxdo, maadaama waqtigii loogu tala galay aanay shirkaddu ku fulin dhismaha Dekedaas.

Bishii hore ee October ayay aheyd markii Ciidamada Amniga Boosaaso ay xabsiga dhigeen siyaasigan, hase ahaatee saddex maalmood oo uu xirnaa waa la sii daayay, kaddib markii lagu sii daayay cafis maxkamadeed.

SOMALI NEWS

To Top