WARARKA SOOMAALI

Faahfaahin:-Korneyl Caare & Ciidamadiisa oo weerar culus ku qaaday Saldhiga Ciidamada Soomaliland ee Ceerigaabo.

Laascaanood  (HM) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhasha weerar xalay saqdii dhexe jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caare ay ku qaaday saldhigga ciidamada maamulka Somaliland ee magaalada Ceerigaabo gobolka Sanaag.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay inuu ku bilowday qoryaha waa weyn iyadoona dagaalku uu socday muddo dhowr daqiiqo ah

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inay mar qudha ku soo tooseen rasaasta la is weydaaranayey.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’eg yahay.

“Anaga oo iska joogna ayaan waxaan maqalnay rasaas fara badan oo dhaceysa,waxaana naloo sheegay in Ciidamada Korneyl Caare ay weerareen saldhiga Dhexe ee Magalada Ceerigaabo, khasaarana wuu jiraa balse ma ogin xaaladuna waa ay saakay degan tahay ayuu yiri.” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta gudaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Somaliland ay sameeyeen iska caabin xoogan, welina ma aysan ka hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka baxay dhinaca jabhadda hubeysan ee Korneyl Siciid Caare, kaas oo la xadhiidha dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa Saaka degan, iyadoona gudaha Magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska maamulka Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

Inta badan Korneyl Caare oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Somaliland ayaa weeraro gaadma ah ku qaada xarumaha ciidamada maamulkaasi ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top