WARARKA SOOMAALI

Puntland maleeshiyaad dhar loo xidhay ku tilmaamtay Ciidamadii Soomaliland kula wareegtay Taleex.

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa waxay war aan sal iyo baar lahayn ku tilmaamay sheegasho ka timid maamulka Somaliland.

Maamulka Hargeysa ayaa Axadii magaaladda Taleex kusoo bandhigay in askar uu shaaciyey in ay kaga soo biireen maamulka Puntland.

Hase ahaatee, Wasiirka Warfaafinta maamul gobaleedka Puntland, ayaa warkaas ku qeexay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin maanta xili uu la hadlayey warbaahinta gudaha.

Cutubyadda uu maamulka Hargeysa soo bandhigay ayaa wuxuu ku sheegay in ay tiradoodu tahay wadar ahaan 150 askar.

HALKAN KA DAAWO

Cali Axmed Sabarey, wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa yidhi “askari maahinee waa maleyshiyaad ay dareeska ciidanka u soo geliyeen”.

“Iyagaaba ku jira qalalaaso siyaasadeed maxay ciidamo kala wareegaan Puntland,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada xarunta u ah maamulka isku cimaamaday Hooyada Federaalka Soomaaliya.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo ku aadan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Labadda maamul oo xifaaltankooda tobanaan sano marayo ayaa waxaa goboladaas u kala jooga maamulo ugu kala magacaaban. hase ahaate aan aqoonsi ka haysan dadka deegaanka.

Shaacinta Somaliland ayaa timid markii aagaas uu tegay Wasiirka Warfaafinta Hargeysa , Saleebaan Koore, oo aad ugu dhow Muuse Biixi Cabdi, xili intii uu socdaalkaas ku guda jiray loo wareejiyey xilka wasiirka warfaafinta isagoo awal ahaa wasiirka Biyaha Soomaliland.

Biixi ayaa wajahaya madax xanuun ku aadan doorashooyinka, waxaana qorshihiisa ku aadan muddo kordhinta baarlamaanka diidey caalamka iyo xisbiyada Mucaaradka ah.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa ku goodiyey in ay taageereyaashooda ugu baaqayaan joojinta canshuurta hadaan la qaban doorashada xili xiisaddu faraha kasii baxayso.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top