WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Saleebaan Cali Koore oo Taleex kusoo dhaweeyay Ciidamo kasoo baxay Puntland-Video

Laascaanood ( HM) –Degmada Taleex  ee Gobolka Sool , waxay Somaliland kusoo dhowaysay ku dhowaad  100 Askari oo sheegtay inay kasoo Goosteen dhinaca Puntland.

HALKAN KA DAAWO

Sarkaal u hadlay Ciidamada sheegay inay kasoo baxeen Puntland ayaa Xusay inay Muddo dheer ku jireen Puntland,  islamarkaana aysan jirin  ciidamo kasoo jeeda deegaanka taleex oo ku hadhay Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa soo dhoweeyay Ciidamada kasoo baxay Puntland, Wuxuuna sheegay inay Xubnahan in badan isku hayeen Arimaha deegaanka, Balse hada ay Garwaaqsadeen inay kusoo biiraan Somaliland.

Ciidamada kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa inta badan ku Caanbaxay inay Noqdaan Kuwa Guur-guura,  Waxaana taasi sabab u ah Muranka iyo sheegashada Puntland iyo Somaliland ee Gobolada Sanaag iyo Sool.

SOMALI NEWS

To Top