WARARKA SOOMAALI

Axmed Karaash oo dalacsiiyey sarkaal shaaciyey in xaaskiisu qaadsiisay cudurka Aids-ka.

Garoowe (HM)-Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay xuska maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan December, 01 sanad walba laga xuso maalintani adduunka oo dhan.

Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xuska maalintani, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu soo saari doonto xeerka xanuunkani, waxaana uu Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo kamid ah ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkani u dalacsiiyey Gaashaanle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO DHAN

SOMALI NEWS

To Top