WARARKA SOOMAALI

Maamulka Jubaland oo xidhiidhkii u jaray Dowladda Federaalka isla markaana Kismaayo ka mamnuucay-Akhriso

Muqdisho (HM)-Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay inay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka iyo in safaro ay ku yimaadaan Kismaayo Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, sida Golaha Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta kale.

Kulan Golaha Wasiirada Jubbaland ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, waxaana looga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golaha wasiiradu ay tacsi u Direen Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii Argagixisanimo ee ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir golaha Wasiiradu waxay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.

Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland waqtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in Hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa dood dheer waxay ka yeesheen faragelinta qaawan ee dowladda Federaalka ku heyso hannaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khal khal gelinta joogtada ah, waxaana Golaha uu soo saaray go’aan ah in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka reer Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin.

SOMALI NEWS

To Top