WARARKA SOOMAALI

Diyaaradii qaadi lahayd dhaawaca Yariisow oo Muqdisho soo gaadhay..

Muqdisho (HM)-Diyaarad kuwa gurmadka degdega ee loo yaqaano Ambulance oo ay leedahay dowladda Qatar ayaa goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, si ay u qaado dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Diyaaradan oo ah nuuca Milateriga ayaa ku sugan garoonka Muqdisho, waxaana ay goor dhow qaadi doontaa dhaawaca Guddoomiye Yariisow iyo dhaawacyada kale ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Qatar ay diyaarad kuwa caafimaadka ee Ambulance soo dirtay, si ay uga qeyb qaadato gurmadka dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxii shalay.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca Guddoomiyaha la geyn doono Isbitaalada ku yaala Doxa, si halkaas loogula tacaalo xaaladiisa.

Dhaqaatiirta Turkiga ee Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan (Ex Digfeer) ayaa laga soo xigtay in xaalada dhaawaca ee Guddoomiye Yariisow la gaarsiiyay heer dalka dibaddiisa loo qaadi karo, marka loo eego saacadihii badnaa ee lala tacaalayay, isla markaana lagu sameeyay labo jeer qalliin lagu guuleystay.

SOMALI NEWS

To Top