WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sucuudiga iyo Beesha Caalamka oo ka hadlay Qaraxii Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA iyo Bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi waxaa lagu daabacay Hadal-qoraal oo ay Dowladda Sacuudiga ku cambaaraynayso Is-qarxintii shalay ka dhacday Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, oo ay ugu yaraan 6 qof ku geeriyootay.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga waxaa laguxusay inay Sacuudiga taageero u muujinayso Somalia, isla markaana ay si xooggan u cambaaraynayaan falkii Is-qarxinta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Sacuudiga waxay taageero la garab taagan yihiin Walaalahooda Soomaalida ee ka dhanka dhamaan fnooc kasta oo colaadeed, Xag-jirnimo iyo Argagixiso” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga.

Sacuudiga waxay Tacsi u direen DFS iyo dhamaan qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qarixii shalay, iyadoo kuwa dhaawamay u rajeeyey inay ka soo kabtaan dhawaacyadii soo gaaray.

Is-qarxintii shalay ka dhacay Xarunta Maamulak gobalka Banaadir waxaa ku geeriyootay 6 Mas’uul, oo ay ku jiraan 3 Guddoomiye Degmo iyo Hawlwadeen ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir, waxaana ku dhaawacmay xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Engineer C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow”.

Dagaalaamayaasha Alshabaab ayaana sheegtay mas’uuliyadda Is-qarxintii ka dhacday gudaha Dhismaha Maamulka Gobalka Bnaadir ee“Ex-Ufficio Governo” ee magaalladdan Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top