WARARKA SOOMAALI

James Swan oo war culus kasoo saaray Qaraxii Gobalka Banaadir..

Laascaanood (HM) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

War ka soo baxay xafiiska UNSOM  ayaa lagu sheegay in QM ay aad ugu xun tahay weerarkaasi, islamarkaana, Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysan ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale James Swan ayaa Tacsi u diray Ehellada mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxaasi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa xilliga uu dhacayay qaraxa daqiiqado ka hora ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar, isagoona kulan gaar ah hoolka uu ka dhacay kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho En. Cabdiraxmaan Yariisow.

Al-Shabaab oo dusha u ridatay weerarkan waxa ay shaacisay in bartilmaameedku uu ahaa James Swan, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka.

Warbaahinta Horufadhi News waxay dadaal ugu jirtaa soo helida xog dhaba oo lagu kalsoonaan karo oo ay la wadaagto shacaka Soomaaliyeed ee ku jaahwareersan dhibkii shalay dhacay!!.

HALKAN KA DAAWO SIR CULUS

SOMALI NEWS

To Top