WARARKA SOOMAALI

James Swan oo Soomaliland u baxaya markii uu ka bad baaday Qaraxii Gobalka Banaadir..

Hargeysa (HM) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in socdaal uu ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Danjire James Swan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa waxa la filayaa in magalada Hargeysa soo gaaran. Swan ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Madaxweyne Biixi.

James ayaa socdaalkan uu ku imanayo Hargeysa wuxuu noqonaya safarkiisi ugu horeeyay ee uu ku yimaado Caasimada Somaliland, tan iyo markii labo bilood ka hor loo magacaabay xilkaasi.

Danjire James ayaa waxa la filayaa in culeys xoogan uu ku saarayo Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka sidii ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.

Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu Mas’uuliyiinta Somaliland kala hadli doona sidii dib loogu furi lahaa wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo mudo badan hakad ku jiray.

James Swan ayaa shalay ka bad-baaday qaraxii ka dhacay xarunta maamulka G/Banaadir, kadib markii uu daqiiqado ka hor un ka baxay xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu kula shirayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Swan uu ahaa bartilmaameedka qaraxaas.

SOMALI NEWS

To Top