WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xiisad culus oo ka taagan Gobalka Sanaag-Video

Ceerigaabo ( HM ) Buuralayda Gobolka Sanaag waxaaa iksu Horfadhiya Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caare, kuwaasi oo dhowaan dagaal ku dhexmaray Qaybo kamid ah gobolka sanaag, kadib markiii Jabhaddu kasoo guurtay Fadhiisinkii Qardho.
Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa ugu baaqay Madaxwayne Biixi inuu soo Afjaro Xiisadaasi, iyadoo ay magaalada Gaadheen Ciidamo iyo Saraakiisha ugu saraysa Milatariga Somaliland “Waa Gantaal Badhida inooga yaalla,  ee Arintaa inaga soo Afjar” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

HALKANN KA DAAWO VIDEO

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa Rajjo wanaagsan ka muujiyey Xaalada magaalada Ceerigaabo,  Wuxuuna xusay inaanu maanta Jirin wax khilaaf ah, Balse lagu howlan yahay sidii la isku waafajin lahaa  Sharciga iyo Wadahadalka socda ee Odayaasha iyo Dhalinyaradda Cadhootay, Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Jabhada uu Hogaamiyo Kornayl Caarre ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin wadahadalka ay gadhwadeenka ka yihiin odayaasha dhaqanku.

SOMALI NEWS

To Top