WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo qiray in Shabaab Dowladda ku dhex jiraan-Video

Muqdisho (HM) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay markii ugu horreysay qirtay in dowladda ay ku dhex-jiraan xubno gacan siiya Al-Shabaab oo ka caawiya weerarada.

Arrintan ayuu madaxweynaha xalay ka shegeay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Al-Shabaab ayaa ku guuleysatay in dowladda ka dhex fuliso weeraro dhowr ah oo qaarkood ay adag tahay in la sameeyo, ayada oo aan gacan laga heleyn gudaha, taasi oo sare usii qaaday tuhunka laga qabo in xubno dowladda ku jira ay la shaqeeyaan kooxdan.

Waxaa ugu dambeeyey weerarkii 24-kii bishan laga fuliyey gudaha xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top