WARARKA SOOMAALI

Korneyl Caarre oo Saldhig cusub ka samaystay duleedka Ceerigaabo iyo Xiisad cusub…

Garoowe  ( HM ) Jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caarre ee  la magac baxday “Dulmi-diid” ayaa sheegay inay Habaynkii Xalay  la wareegeen Marin Halbawlaha wadada “Tabca” oo isku xidha Magaalo Xeebeeda Maydh iyo Magaalada Ceerigaabo.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay kasoo Ruqaansadeen Fadhiisinkoodi hore ee Buuraleyda “Xamaas” oo waqooyiga Magaalada Ceerigaabo kaga toosan una jirta masaafo celcelis ahaan dhan 40km.

Waxay gaadheen oo saldhigoodan Cusub ee Marinka Halbawlaha ah uu Noqonayaa Bogcada looyaqaano “Karinka”, Taasi oo magaalada Ceerigaabo u jirta masaafo dhan 13km.

Odayaasha Dhaqanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay Wadahadal ay ugu kala dabqaadayaan Xukuumadda Somaliland iyo Jabhadda waday,   Waxaana mudada wada hadalka Odayadaasi ukala dabqaadayeen waxaa Jabhadu Banaysatay Waddo Waa-hore la mari jiray oo isku xidha Karinta iyo Xamaas.

Madaxa Garabka Siyaasada Jabhada Dulmi-diid Colonel Casayr Cabdiqaadir oo Xalay warbaahinta kasoo muuqday ayaa isaguna sheegay inaan waxba kajirin wada hadaladaas sidoo kalena Jabhadan iyo Xukuumada Biixi ay yihiin Xaq iyo Baadil hirdamaya.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxwayne Muuse Biixii uu sheegay inay Meel-wanaagsan Marayso Xaalada magaalada Ceerigaabo, Islamarkaana uu Rajjo wanaagsan ka muujiyey Heshiis laga gaadho Xiisada.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe  ayaa Dhankiisa ka codsaday Mad

SOMALI NEWS

To Top