WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Maamulka Soomaliland iyo Jabhada Caarre..

Laascaanood (HM)-Ugu yaraan hal askari oo ciidanka Somaliland ah ayaa ku dhaawacmay dagaal saaka ku dhex maray deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo jabhadda Korneyl Caarre iyo ciidamada Somaliland.

Askarigan oo la keenay Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo ayaa la sheegayaa inuu ka tirsan yahay Guutada 99 Katirsan ee ciidanka Somaliland.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen goobtii hore ee ay deganaayeen una guureen degaankan cusub oo uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Tabca.

Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay keentay degaankaas ciidamo fara badan

SOMALI NEWS

To Top