WARARKA SOOMAALI

Maamulka Jubaland oo sheegay in aysan u dhutin doonin xayiraada Dowladda Federaalka-Akhriso

Kismaayo (HM)-War ka soo baxay Maamul goboleedkada Jubaland ayaa lagu sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii ay dowlada federalka ugu soo rogtay xayiraada diyaaradaha tooska u taga magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in aysan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka go’aanka dowlada federalka ka gaartay doorashada Jubbaland iyo duulimaadyada taga magaalada Kismaayo.

“Go’aanada ka soo baxay Golaha Fulinta iyo Wasaarada gaadiidka dowlada federalka ee ku saabsanaa duulimaadyada diyaaradaha ee Jubbaland iyo doorashada lagu tilmaamay sharci darro waa mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay iska difaacayso ficilada dowlada federalka waxanaa loogu baaqay Golaha Shacabka iyo Aqalka sare inay qaataan doorkooda lana xisbaatamaan dowlada Federalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay maamulka Jubbaland.

SOMALI NEWS

To Top