WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabka Dowladda Soomaaliya gacanta ugu dhigtay wasiirka Jubaland iyo xog dheeri ah-Video

Muqdisho (HM)-Warbaahinta Horufadhi News ayaa xog dheeri ah ka heshay xariga wasiirka aminiga Jubaland,Cabdirashiid Janan oo maanta ay ciidamada booliska Soomaaliya ka xireen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Janan ayaa markii la xirayey wuxuu ka yimid magaalada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa, balse transit ku ahaa Muqdisho.

Ilo-wareedyo ka tqirsan maamulka Jubaland ayaa HM News u sheegay in Janan ay shalay  u yeertay dowladda Itoobiya, si uu u yimaado magaalada Addis-Ababa, isaga oo la sheegay in lagala hadli lahaa arrimo ku saabsan Jubaland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Lama yaqaan waxa ay ahaayeen arrimahaas, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in dowladda Itoobiya isku dayday inay isku soo dhoweyso Cabdirashiid Janan iyo dowladda federaalka Soomaaliya si loogu jebiyo Axmed Madoobe, ayada oo Janan oo Muqdisho yimid dabayaaqadii bishii June.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Janan uu haysto baasaboorka dalka Itoobiya, sidaas darteed uu farsmo ahaan yahay muwaadin Itoobiyaan ah.

Sida aan xogta ku helnay markii Janan Itoobiya u sheegtay inuu yimaado Addis-Ababa, wuxuu ku war-geliyey inaysan jirin diyaarad toos uga soo baxeysa Kismaayo, kadib xayiraaddii ay saartay dowladda federaalka. Waxaa kadib loo sheegay inuu dhulka soo maro, balse wuu diiday.

Markaas kadib ayaa Itoobiya ay u sheegtay Janan inuu tago Muqdisho, kadibna kasoo raaco diyaaradda Ethiopian Airlines, taasi oo uu aqbalay balse markii uu yimid ay xiratay dowladda federaalka.

Illaa iyo hadda ma cadda in tegista Janan ee Muqdisho ay ahayd shirqool Itoobiya u dhigtay, ayada oo caawineysa dowladda federaalka Soomaaliya si loo xiro, iyo in dowladda federaalka ay dhexda ka qabsatay oo aysan Itoobiya ku shaqo lahayn.

ilo wareedyo  kale ayaa sheegaya inay taasi kala caddaan doonto maalmaha soo socda, oo haddii ay noqoto in Itoobiya aysan ku lug lahayn xariga, ay ka dhaadhicin doonto dowladda federaalka ah inay kusoo wareejiso Janan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top