WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Hargeysa oo Doonaya in uu sharci Daro ku Gurto Khayraadka Sool iyo Sanaag iyo wuxuu la kulmi doono-Video+Sawiro

Shirkad shisheeye oo aan ka fasax heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlo shidaal sahmin ah ka bilowday Gobollada Sool iyo Togdheer, iyada oo Madaxweynaha Maamulka Somaliland uu booqday dhul howd ah oo makiinado ay ka sameeyeen waddooyin bacaad ah.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu si rasmi ah uga bilaabmay gobolka Saraar oo ay ula jeedaan Degmada Caynaba iyo deegaannada ku xeeran ee ka tirsan Gobolka Sool iyo sidoo kale Gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in howsha sahminta ay ku fidi doonto deegaano ka tirsan Gobolo ay ugu magac dareen Daad Madheedh, Maroodi Jeex, Gobolka Hawd.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Sahminta shidaalka ay u gudbi doonto Gobolka Sanaag, waxaana tallaabadan ay ku tilmaameen mid maamulkooda ka saacidi doonta inay soo saartaan kheyraadka deegaanadooda

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maamulka Somaliland ayaa dhowaan heshiis la gashay dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo dhigaya in saldhig milateri ka dhistaan magaalada Berbera, hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa ka soo hor-jeesatay heshiiskaas, kaasoo dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ka dhex dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan shidaal sahminta ay sheegtay in Somaliland ka bilowday Gobolada Sool iyo Togdheer.

SOMALI NEWS

To Top