WARARKA SOOMAALI

Daawo:Farmaajo muxuu ka yidhi Dagaalka Shabaab iyo waxa uga Qorsheysan?-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku diyaarinayso howlgal ka dhan Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay cirib tirka Al-Shabaab .

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab in ay isku soo dhibaan dowladda Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Farmaajo ayaa xusay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya shacabkooda in loo diyaarinaayo qaadista duulaamo ka dhan ah deeganada ay maamulaan Shabaab ee ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku hanjabay inay soo afjari doonaan dagaalka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top