WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiirada cusub oo wadnaha Farta ku haya iyo kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan Beelahooda+Go,aano hada-Video

Dadaaladii ugu dambeeyay ee ay wasiirada ugu jiraan iney codka kalsoonida ka helaan barlamaanka ayaa ka socda magaaladda Muqdisho iyadoo wasiir kasta uu la kulmayo xildhibaanada beelahooda si uu codkooda uhelo.

Wasiirada beelaha Mudulood ugu jira wasiirada cusub ayaa kulan aan caadi aheyn la yeeshay xildhibaanada barlamaanka ee beeshaas kasoo jeeda iyagoo usheegay sida ay udoonayaan iney helaan codkooda.

Wasiirada magacaaban ee kala ah C/raxmaan Yarisow iyo wasiirka Amniga magacaaban Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka dalbaday beeshooda iney garab istaagaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxaan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in beesha Mudulood ay tahay dowlad ku nool, waxaan nahay beeshii ugu horeysay ee dowlada soo dhaweysa”ayuu yiri wasiirka ku magacaaban amniga Ducaale.

Ugu dambeyn, xildhibaanada iyo waxgaradkii ka qeyb galay kulankaas ayaa balan qaaday iney codka kalsoonida siin doonaan golaha wasiirada cusub.

Kulankan ayaa kusoo aadaya iyadoo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku amray wasiirada iney taageero ka raadsadaan xildhibaanada deegaanadooda kasoo jeeda.

SOMALI NEWS

To Top